Qodobada guud
- Arday kasta oo ku soo biira machadka waa inuu niyad u leeyahay inuu naftiisa iyo dadka kaleba faa’iideeyo.
- Ardayga waxaa la siinayaa Student Number oo uu adeegsanayo marka uu casharka soo xaadiro.
- Ardaygu wuxuu leeyahay saddex maalmood oo u dhexeeya laba imtixaan, marka laga reebo xaalad gaar ah sida safar ama xanuun.
- Haddii ardaygu saddex jeer oo isku xigta maqnaado, waxbarashadiisa waa la hakin karaa. Haddii uusan ka jawaabin su’aalaha macallinka, maqnaansho ayaa loo tirin karaa.
- Ardayga isdiiwaangeliya cashar kadibna ka baxa sabab aan la oggolaan, cashar kale looma oggolaan karo.
- Fasaxa xanuunka waxaa lagu caddaynayaa warqad dhakhtar.
- Safar ku beegma imtixaan wuxuu u baahan yahay caddayn.
- Geeri ehel awgeed ardaygu wuxuu helayaa saddex maalmood oo fasax ah.
Nidaamka casharrada Zoom-ka
- Ardaydu waa inay ilaaliyaan nidaamka Zoom-ka, wixii ay u baahdaanna maamulka ama guddiga ayay weydiinayaan.
- Qoraalka isha ee ku saabsan su’aalaha casharka wuxuu u baahan yahay xaqiijin ka hor daabacaadda.
- Macallimiinta yaan laga mashquulin aqoonta ay dhigayaan.
- Su’aal muhiim ah ama qoraal waa in loo gudbiyaa maamulka si loogu gudbiyo Dr. Sh. Cusmaan Macalim.
- Ardaydu waa inay MUTE-ka ilaaliyaan marka casharku socdo, gacantana taagaan marka ay su’aal qabaan.
- Cabashada Zoom-ka waa in loo gudbiyaa maamulka ama guddiga.
Ujeeddo: inaan isku kaalmaysanno xaqiijinta cilmiga iyo ku dhaqankiisa. Xuduurtu waa waajib, cilmigu waa iftiin, iskaashiguna waa guul.